Neymar oo u sahlaya Barcelona in ay hesho Gabriel Jesus

gabrieljesus-cropped_teocl2fca43n1k3v01tj90ovz

(Rio) 26 Luulyo 2016. Neymar waxa uu isku dayayey in uu Gabriel Jesus u shukaamiyo Barcelona.

19 jirkan u dheela kooxda Brazil ka dhisan ee Palmeiras waxa uu si weyn ugu baahay suuqa kala iibisga Ciyaaryahanada, Manchester City ayaa si weyn loola xiriirinayaa saxixiisa.

Kahor inta heshiiskiisa uu dhicin Gabriel Jesus waxa uu Olimbikada Rio ka garab dheeli doonaa Neymar oo sheegay in uu isku dayey ka dhaadhicinta in uu Barcelona kula biiro.

“Waan la hadlay Gabriel Jesus. Ma aha kaligiis, laakiin waxaan Ciyaaryahano kale u sheegay sida uu dareenka yahay marka loo Ciyaaro Barcelona iyo ku noolaanshaha magaalada,” ayuu Neymar ku yiri shir jaraa’id.

“Waa Ciyaaryahan weyn. Waan ognahay kooxo badan ayaa raba. Wuu u baahanyahay in uu u helo waqtiga saxda ah ee uu tagayo, waxaan dhineceena la dooneynaa Ciyaaryahanada wanaagsan.

“Hadii uu Barcelona yimado aad ayuu u farxi doonaa. Malaha waxaan nahay kooxda Dunida ugu weyn. Magaalada iyo maalinba maalinteeda kale ee cajiibka ah.”

Kulanka ugu horreeya ee Brasil dheeli doonto Olimbikada waa salaasada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close