Chelsea oo €45m ku raadinaysa Kalidou Koulibaly

(London) 27 Luulyo 2016 – Kooxda Chelsea ayaa samaysay dalab ku kacaya €45m kaasoo ay ku doonayso dambeedka Napoli ee Kalidou Koulibaly, sida ay wararku sheegayaan.

Daafaca Partenopei ayaa fure u ahaa ololihii ciyaareed ee fasalkii tegey ay kaalinta 2-aad kaga galeen horyaalka Talyaaniga, balse wuxuu doonayaa inuu kooxda iskaga tago xagaagan.

Webka Gianluca Di Marzio ayaa haatan sheegaya in Chelsea ay samaysay dalab rasmi ah oo ku kacaya €45m [£37.7m] si ay Koulibaly u keenaan Stamford Bridge.

Halka Napoli aysan weli kasoo jawaabin dalabkaasi, waxay misna durba raadinaysaa bidaalkiisa, waxaana la sheegayaa in €22m looga diidet daafaca Torino ee Nikola Maksimovic.

Waxay u muuqataa inay kooxda reer Napoli ay xagaagan mashquul tahay dhanka suuqa, maaddaama uu ka tegey Gonzalo Higuain oo ku biiray Juventus, halka ay kusoo socdaan Arkadiusz Milik iyo Corentin Tolisso oo imanaya San Paolo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close