Banaadir Sports Club oo ku fashilantay soo xero galinta Cabdisalaan Dhiidhiye, Elman oo dib u shiday xiisaha ay u qabto iyo Horseed oo ugu cad cad helidda saxiixiisa

(Muqdisho) 26 Luulyo 2016. Kooxda difaacaneysa horyaalka dalka ee Banaadir Sports Club ayaa muddo isha la raaceysay Laacibka sida weyn ay u doonayaan naadiyada ee Puntland Cabdisalaan Jaamac Faarax (Dhiidhiye).

Sida ay xaqiijineyso GoolFm.net Masuuliyiinta ugu sar sarreeysa Banaadir oo kal hore horyaalka ku qaaday quwad madaama aan marna dhineceeda dhulka la dhigin ayaa Dhiidhiye kula kulmay Hotel-ka ay Puntland Muqdisho ka dagantahay ee Oriental.

0J1A2610 0J1A2835 0J1A2925

Wadahadalada oo qaatay waqti kooban ayaa waxa ugu dambeyn la isku af garah waayey heshiiska shaqsiyadeed ee Laacibka.

Hayeshee, Dhiidhiye oo hore isaga diiday dalabyo uga yimi kooxo kale oo fac weyn nagana codsaday in aynaan faafin warkooda ayaa hada qarka u saaran in uu xirto maaliyada Horseed.

Laacibka waxa uu sheegay in uu aad u qiimeeyo Banaadir SC lana socdo horumarada a sameysay sanadihii dambe balse hada uu ku dhawyahay dhameystirka heshiiska uu la galayo kooxda Militariga Soomaaliyeed.

0J1A2992

Ma cada in Banaadir ka hartay loolanka walow wax walba laga filan karo madaama ay dhawrkii sano ee dambe ku amar taagleeneysay kubadda cagta soomaaliya.

Banaadir oo ah naadiga bilaabay in xiddigo ajaaniib ah dalka yimadaan ayaa sidoo kale dhawr xiddig ka indha indheeneysa Puntand sida aan xaqiijin karno waa Faarax Kololo oo laba gool tartanka ka dhaliyey sida kii bar bar dhaca ahaa ee ay Fiinalaha ka dhaliyeen Jubaland iyo mid qurux badnaa oo uu ugu shubay Banaadir.

0J1A2400

Waxa ay sidoo kale xiiseenayaan Dhakab oo ah mashiinka khadka dhexe ee Puntland marka laga yimaado dhiidhiye.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close