Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane oo filanaya canugiisii ugu horreeyey

Kane and Kate

(London) 26 Luuliyo 2016 –  Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo saaxiibtiis Kate Goodland ay si wadajir ah u filanayaan canugoodii ugu horreeyey.

22-sano jirkaan weerarka ka ciyaara, kaasoo niyad jab kala soo laabtay sanadkan 2016 koobka qarammada Yurub markii xulkiisa Ingiriiska ay wiilasha Iceland ku reebeen wareegga 16-ka ayaa rajaynaya inuu Aabbe noqon doono horraanta sanadka soo socoda.

Kane iyo Goodland kuwaasoo leh labada eeg ee lagu kala magacaabo Brady iyo Wilson ayaa xiriir uu ka dhexeeyaa muddo shan sanadood ah.

Ciyaaryahanka ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawir labadooda eeg, waxaana uu soo raaciyey qoraal u dhignaa sidan: “Aad baan ugu faraxsannahay taas, Kate Goodland iyo aniga waxaan filanaynaa canugeennii ugu horreeyey! waqtiyo farxad leh ayaa naga horreeya! ma sugi karno!”

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close