Luciano Vietto oo iska diiday inuu ka hadlo wararka la xiriirinaya Barcelona

Luciano Vietto

(Barcelona) 26 Luulyo 2016 Weerar yahanka kooxda Atletico Madrid ee Luciano Vietto ayaa iska diiday inuu ka hadlo wararka la xiriirinaya ku biirida Barcelona.

Luciano Vietto ayaa sheegay inuusan garanayn halka uu ka ciyaari doono xiliciyaareedka cusub, waxaana xusid mudan in Barcelona ay wadahadalo kula jirto dhigeeda Atletico.

22 jirka reer Argentina oo la hadlay Mundo Deportivo ayaa la waydiiyay inuu ku biirayo Barcelona? wuxuuna ku jawaabay:

“Ma jirto wax aan ka dhihi karo arinkaas, ma hubo halka aan ka ciyaari doono xiliciyaareedka cusub” ayuu yiri Luciano Vietto.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Luciano Vietto uu maanta la kulmi doono wakiilkiisa isaga oo kala hadlaya halka uu ku danbayn doono mustaqbalkiisa xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close