Faah-faahinta kulankii ay Puntland ku qaaday tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya+SAWIRRO

(Muqdisho) 26 Luulyo 2016-Puntland oo rigoorayaal 5-3 ku qaaday koobka maamul goboleedyada Soomaaliya Kaddib markii ay ciyaartu ku idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-1

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu nastay 1-1.

Jubbaland ayaa goolka uga naxsatay Puntland bilowgii ciyaarta kubbad ka timid dhanka Koornada ayaa waxaa shuud kulul dhex dhigay shabaqa xiddiga lambarka 10-aad ee Fu’aad.

Puntland ayaa durba bilwday inay baadi goob u gasho sidii ay isaga soo gudi lahayd goolka,waxaana u bar bareeyay xiddiga Faarax Daahir Faarax.

Kabtan Cabdisalaan Dhiidhiye oo runtii wacdaro muuqata ka dhigayay ciyaarta ayaa fursado dhowr ah abuuray iyadoo markii dambe kubbad uu si kalsooni leh ugu soo dhex qaatay diilinta ganaaxa bannaankana soo dhigay ayaa waxaa ku taabtay saaxiibkii oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1-1.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaad moodaa inuu yaraaday weerarkii xooganaa ee qaybta hore.

Waxayna labada dhinac sameeyeen fursado yar oo gool loo filan karo iyadoo ay darneyd mid ay sameeyeen wiilash Jubbaland dhamaadka qeybtii dambe kubbad uu madaxa la helay mid ka mid ah xiddigaha weerarka shabaqa oo bannaan ayay hareer martay.

Ciyaarta ayaa ku idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-1.

Waxaa bilaabatay qeybta hore ee 30-kii daqiiqo ee dheeriga ah waxaana la isku helay fursado yar qeybta hore mid ay sameysay Jubbaland iyo mid aad u halis badan oo uu sameeyay Cabdisalaan Dhiidhiye kabtanka Puntland.

Dhiidhiye ayaa u istaagay si geesinimo leh kubbad laadka xorta ah kaddib qalad loo dhigay kooxdiisa wuxuuna u soo tuuray si cajiib ah wax kastaa way dhammeystirnaayeen marka laga reebo Nasiibka oo kubbadii ayaa kaga dhacday birta kore.

Qeybtii labaad ee waqtiga dheeriga ayaa iyana la iska dhalin waayay wax gool ah oo ciyaarta ayaana soo idlaatay oo la isla gaaray rigoore rigoore.

Puntland ayaana rigoorayaal 5-3 ku qaaday koobkii……. HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.

IMG_3057 IMG_3064 IMG_3068 IMG_3072 IMG_3073 IMG_3074 IMG_3078IMG_3081 IMG_3083 IMG_3087 IMG_3090 IMG_3091 IMG_3095 IMG_3096 IMG_3097 IMG_3099 IMG_3104 IMG_3111 IMG_3112 IMG_3113 IMG_3114 IMG_3115 IMG_3098 IMG_3116 IMG_3127 IMG_3129 IMG_3141IMG_3171 IMG_3174 IMG_3176 IMG_3177 IMG_3180 IMG_3186 IMG_3187 IMG_3191IMG_3203 IMG_3205 IMG_3209 IMG_3216 IMG_3228 IMG_3233IMG_3236 IMG_3247 IMG_3250 IMG_3257IMG_3270 IMG_3313 IMG_3401

IMG_3404

IMG_3407

IMG_3409

IMG_3411

IMG_3415

IMG_3420

IMG_3425

IMG_3429

IMG_3444

IMG_3456

IMG_3362

IMG_3366

IMG_3373

IMG_3374

IMG_3353

IMG_3222
Taageerayaal ka daawanaya ciyaarta meel ka baxsan garoonka

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close