Dimitri Payet oo loo magacaabay Safiirka Jasiiradda Reunion + Sawirro

Poyet

(Reunion) 26 Luuliyo 2016 – Xidigga Khadka Dhexe iyo Weerarkaba ka dheela ee Xulka Faransiiska iyo kooxda West Ham United Dimitri Payet ayaa looga aqoonsaday Halyeey Jaziiradda uu ku dhashay ee Reunion ee ku taalla Badweynta Hindiya.

Laacibkan Faransiiska u ciyaara ee 29 jirka ah ayaa dib ugu laabtay halkii uu ku dhashay, waxaana la guddoonsiiyay Darajada ‘Safiir Sharafeedka’ Jasiiradda Reunion, waxaana uu noqonayaa astaanta waddankaasi yar ee dadkiisu uusan ka badneyn 800,000 ruux.

Payet ayaa si weyn uga dhex muuqday cayaarihii Qarammada Yurub 2016 ee lagu soo gebagebeeyay waddanka Faransiiska, isagoo Tartankaasi dhaliyay 3 gool.

poyet1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close