Demba Ba oo qalliin lagu sameeyay kana soo kabanaya dhaawicii gaaray…. (Daawo Muuqaalka)

Ba

(Shenghai) 26 Luuliyo 2016  – Weeraryahanka Kooxda Shenghai Shenhua iyo xulka Senegal Demba Ba ayaa ka soo kabanaya dhaawicii naxdinta lahaa ee gaaray ee uu kaga jabay Laf dheerta Bidix, waxaana haatan lagu sameeyay qalliin lagu guuleystay.

Ba, oo 31 jir ah ayaa taageerayaashiisa u xaqiijiyay in uu si tartiib tartiib ah uga soo reynayo dhaawicii gaaray ciyaarahana uu dib markale ugu soo noqon doono marka uu si toos ah u soo bogsado.

Ciyaaryahan Demba ayaa dhaawacan khatarta ah ee gaaray kaddib waxaa dadka falanqeeya Isboortigu ay qiyaaseen in uu noqon karo mid uu cayaaraha oo idil kaga fariisan doono, balse rajadu haatan sidaasi way ka wanaagsan tahay.

Dhinaca kale Demba ayaa waxaa Isbitaalka ku booqday saaxiibkiisii hore ee Tim Cahill.

MUUQAAL:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close