DEG DEG: Puntland oo RIGOORAYAAL ku qaaday koobka maamul gobleedyada Soomaliya

putt

(Muqdisho) 26 Luulyo 2016Puntland oo rigoorayaal 5-3 ku qaaday koobka maamul goboleedyada Soomaaliya Kaddib markii ay ciyaartu ku idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-1

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu nastay 1-1.

Jubbaland ayaa goolka uga naxsatay Puntland bilowgii ciyaarta kubbad ka timid dhanka Koornada ayaa waxaa shuud kulul dhex dhigay shabaqa xiddiga lambarka 10-aad ee Faarax.

Puntland ayaa durba bilwday inay baadi goob u gasho sidii ay isaga soo gudi lahayd goolka.

Kabtan Cabdisalaan Dhiidhiye oo runtii wacdaro muuqata ka dhigayay ciyaarta ayaa fursado dhowr ah abuuray iyadoo markii dambe kubbad uu si kalsooni leh ugu soo dhex qaatay diilinta ganaaxa bannaankana soo dhigay ayaa waxaa ku taabtay saaxiibkii oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1-1.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaad moodaa inuu yaraaday weerarkii xooganaa ee qaybta hore.

Waxayna labada dhinac sameeyeen fursado yar oo gool loo filan karo iyadoo ay darneyd mid ay sameeyeen wiilash Jubbaland dhamaadka qeybtii dambe kubbad uu madaxa la helay mid ka mid ah xiddigaha weerarka shabaqa oo bannaan ayay hareer martay.

Ciyaarta ayaa ku idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-1.

Waxaa bilaabatay qeybta hore ee 30-kii daqiiqo ee dheeriga ah waxaana la isku helay fursado yar qeybta hore mid ay sameysay Jubbaland iyo mid aad u halis badan oo uu sameeyay Cabdisalaan Dhiidhiye kabtanka Puntland.

Dhiidhiye ayaa u istaagay si geesinimo leh kubbad laadka xorta ah kaddib qalad loo dhigay kooxdiisa wuxuuna u soo tuuray si cajiib ah wax kastaa way dhammeystirnaayeen marka laga reebo Nasiibka oo kubbadii ayaa kaga dhacday birta kore.

Qeybtii labaad ee waqtiga dheeriga ayaa iyana la iska dhalin waayay wax gool ah oo ciyaarta ayaana soo idlaatay oo la isla gaaray rigoore rigoore.

Puntland ayaana rigoorayaal 5-3 ku qaaday koobkii……. HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.

Sida loogu kala guuleystay hadiyadaha, sida loo qaaday koobka SAWIRRO iyo faahfaahin dheeri ah dib kala soco goolFM.net insha’alaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close