DAAWO MUUQAALKA: Dani Alves oo ku tusaya xirfaddiisa cuno karinta… (Malaha Ukun karin waxaan ahayn kama adka!)

1

(Torino) 26 Luuliyo 2016 –  Saxiixa cusub ee kooxda kubadda cagta Juventus ee Waddanka Talyaaniga Dani Alves ayaa laga soo bandhigay muuqaal uu dadka ku tusayo xirfaddiisa cuno karinta, waxaana uu muuqaalkaan uu ku tusayaa isagoo karinaya Ukun.

Daaficii hore ee kooxda Barcelona ayaa heshiiska uu ugu wareegay bishii hore Juventus waxa uu ahaa labo sanadood, waxayna u muuqataa inuu Dani Alves kaliya ka adag yahay Ukun karinta, maxaa yeelay baraha bulshada dadka kaga soo hadlay arrintan waxa ay leeyihiin.. “Malaha Alves Ukun Karin waxaan ahayn kama adka.”

Laacibkan reer Brazil ee dadabka midig ka dheela ayaa Torino u soo dhaqaaqay kaddib 8 sanadood oo uu kusoo qaatay kooxda Barcelona, oo uu la hantay 6 La Liga iyo 3 Champions League, waxaana uu qaatay lambarka 23-aad ee Juve, isagoo sheegay inuu lambarkaas ku sharfayo laacibka dalka maraykanka ee caanka ku ah Basketball-ka ee lagu magacaabo Lebron James.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka Alves iyo xirfaddiisa cuno karinta:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close