AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga

jariirad

(Europe) 26 Luulyo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Halka hoose ka aqri:

Heshiiska lacagaha rikoodhka ee 100-ka milyan uu Paul Pogba ugu biiri lahaa Man United ayaa dib u dhacay sababo la xiriira dooda ku aadan yaa bixinaya lacagaha 25-ka milyan oo bound ee wakiilka xiddigan. (Sun).

Juventus ayaa ku badeli karta booska Pogba 32-jirka reer Argentina ee kooxda Barcelona Javier Mascherano kaa oo ka ciyaari kara daafaca iyo qadka dhexe. (Corriere dello Sport – in Italian).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay kula loolanto Manchester City saxiixa daafaca Juventus ee Leonardo Bonucci waxayna dooneysaa inay 50-milyan oo bound ka bixiso 29-jirka reer Talyaani. (Manchester Evening News).

Liverpool ayaa in ka badan 100-milyan ka soo xareyn karta suuqa kala iibsiga xagaagan iyadoo weeraryahankeeda reer Belgium ee Christian Benteke, 25-jir, ee lagu qiimeeyay 30-ka milyan uu ka mid yahay kuwa la filaya inay ka tagaan kooxda. (Daily Mail).

Manchester City ayaa aamisan inay noqon doonaan dooqa koowaad ee Lionel Messi haddii uu ka tago Barcelona, madaxwaynihii hore ee kooxda reer Catalonia ayaana sheeganaya inuu jiro shirqool la doonayo in kooxda looga diro 29-jirka reer Argentina. (Catalunya Radio, via Manchester Evening News).

jariiradd

Agaasimaha ciyaaraha ee Leicester City Jon Rudkin ayaa la kulmay milkiilayaasha kooxda si uu ugala hadlo heshiisyo cusub oo laga saxiixayo shan laacib, Goolhaye Kasper Schmeichel, 29-jir, daafaca Danny Simpson, 29, xiddigaha qadka dhexe Danny Drinkwater, 26, iyo  Jeffrey Schlupp, 23, iyo waliba weeraryahanka Riyad Mahrez, 25-jir. (Daily Mirror).

Wiilka reer Algeria Mahrez ma dhibayaan qiyaas fikradeedka la xiriirinaya inuu ku biirayo Arsenal sida uu sheeganayo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Demarai Gray, 20-jir. (Independent).

Weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Palmeiras Gabriel Jesus, 19, kaa oo lacagaha ugu yar ee lagu fasixi karo ay tahay 20-milyan oo bound ayaa bartilmaameed u ah kooxaha ka wada dhisan magaalada Manchester ee Man United iyo Man City. (UOL Esporte, via Sun).

Daafaca reer Australia ee kooxda Liverpool Brad Smith, 22-jir, ayaa ku dhow inuu 6-milyan oo bound ugu biiro. Bournemouth. (Goal).

Wakiilka Kalidou Koulibaly, 25-jir ayaa sheegay in daafaca reer Senegal kaa oo ay xiiseynayaan Chelsea iyo Everton uu qorsheynayo inuu ka tago kooxda ka ciyaarta Seria A ee Napoli xagaagan. (Radio CRC, via Talksport).

Liverpool iyo Borussia Dortmund ayaa dalabyo ka gudbiyay 26-jirka qadka dhexe kaga ciyaara Newcastle United iyo xulka qaranka Faransiiska Moussa Sissoko. (Le 10 Sport, via Daily Star).

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close