Abaal-marinnada ay heli doonaan kooxda ku guuleysta koobka, tan kaalinta labaad gasha iyo mida kaalinta saddexaad ee tartanka maamul goboleedyada oo maanta lagu soo xirayo Muqdisho

111

(Muqdisho) 26 Luuliyo 2016 – Tartanka maamul goboleedyada ee maalmahan ka socoday garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la soo gebagabeeyo, waxaana kama dambaysta tartankan wada ciyaari doono xulalka maamulka Jubaland iyo Puntland.

Tartankan waxaa soo qaban qaabiysay Wasaaradda Isboortiga ee Dowladda Soomaaliya, waxaana soo dhawaynta iyo dajinta ciyaartoyda iska leh maamulka gobolka Banaadir, hal xiriirka kubadda cagta uu leeyahay farsamada tartanka.

Waxaa tartankan ka qeyb qaadanayey 6 gobol oo qaarkood maamul goboleedyo yihiin, waxaana final-ka oo maanta la dheeli doono isugu soo haray xulalka Puntland iyo Jubaland.

Haddaba sida ku cad buuga xeerka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, xulkii galabta ku guuleysta tartanka ayaa la guddoonsiin doonaa 20 milyan oo shilin Somali ah, halka xulkii koobka laga qaado ee kaalinta labaad soo gala uu heli doono 10 Milyan oo Shilin Somali ah.

Kaalinta saddexaad xulkii gala ayaa isaguna heli doona shahaado sharaf iyo qalab isboorti, xiddiga tartanka ugu wanaagsan ayaa ku guuleysan doona 2 Milyan oo shilin Somali ah, halka laacibka ku guuleysta gooldhalinta tartankan uu hanan doono 3 milyan oo shilin Somali ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida abaal-marinnada loo kala heli doono:-

13672238_1079870038768852_123860415_n

13820314_1079870048768851_2129958316_n

13866789_1079870232102166_1866557176_n

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close