Zidane oo diyaariyay qorshe cusub ka hor kulanka Super Cup-ka yurub

زيدان يُخطط لتغييرات تكتيكية من أجل السوبر الأوروبي

(Madrid) 25 Luulyo 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa diyaariyay qorshe cusub ka hor kulanka 9-ka August ay Real laciyaari doonto kooxda Sevilla super cup-ka yurub.

Marca ayaa baahisay in Zinedine Zidane uu badalayo qaab ciyaareedkii looga bartay xiliciyaareedkii hore ee 4-3-3 isaga oo ku ciyaari doona 4-4-2 oo kooxda ugu danbaysay waqtigii Ancelotti.

Real Madrid ayaa wajahaysa maqnaasho dhawr ah sida Ronaldo oo la xaqiijiyay inuu seegi doono kulankaas iyo Gareth Bale oo shaki wayn laga muujinayo taam ahaanshihiisa.

Alvaro Morata iyo Karim Benzema ayaa la filayaa inay hogaamin doonaan weerarka Real Madrid ee kulanka Super Cup-ka yurub.

Lucas Vazquez, Jese, Isco iyo James ayuu tababare Zidane ka soo xulan doonaa laba laacib oo ka ciyaara garbaha kuwaas oo caawinaya Morata iyo Benzema.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close