XOG: Cabdisalaan Dhiidhiye waxa uu ku biirayaa kooxda heerka kowaad ee Horseed

13716018_1793860980851282_1969108271211515410_n

(Muqdisho) 25 Luulyo 2016. Laacibka kabtanka u ah Dawlad Gobolleedka Puntland Cabdisalan Dhiidhiye  ayaa si weyn ugu jira suuqa kala iibsiga ee ciyaaryahanada Soomaaliya.

Xiddigan ayaa si weyn u shiday tartanka maamul gobolleedyada dalka oo hada caasimadda beri fiinalihiisa lagu dheeli doono.

Puntland oo uu kabtan u yahay iyo Jubaland ayaa ku baratami doona gegida Banaadir (Ex Koonis).

Sida ay xogo lagu kalsoonaan karo heshay Gool FM, Dhiidhiye waxa uu qarka u saaran yahay in uu ka mid noqdo kooxda Horseed ee horyaalka heerka kowaad.

0J1A1837

Cabdisalaan waxa ay heshiiska shaqsiyadeed isku af garan waayeen koox ka mida kuwa ugu tunka weyn Soomaaliya iyada oo uu goobta wadahdalka ka socday ku sugnaa wariye ka tirsan Gool FM balse kooxda ayaa codsatay in la magac dhabin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close