Xiliga Barcelona ay soo bandhigayso saxiixeeda cusub ee Andre Gomes oo la ogaaday

(Barcelona) 25 Luulyo 2016 Kooxda Barcelona ayaa ka dul qaaday dhigeeda Real Madrid saxiixa laacibkii qadka dhexe ee kooxda Valencia Andre Gomes.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Andre Gomes uu soo gaari doono Barcelona barri oo talaado ah si uu u maro tijaabada caafimaadka isla markaana uu qalinka ugu duugo heshiis rasmi ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Barcelona ay saxaafada u soo bandhigi doonto 22 jirka reer Portugal ee Andre Gomes maalinta arbacada, waxaana la sheegay inaan lagu soo bandhigi doonin Camp Nou maadama labadalayo cawska garoonka.

Andre Gomes ayaa noqonaya saxiixii 4-aad ee Barcelona ay samayso xaggaagan kadib Samuel Umtiti, Lucas Digne iyo Denis Suarez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close