UEFA oo ganaax dul dhigtay kooxaha Liverpool iyo Sevilla

ganaax

(Europe) 25 Luulyo 2016. Xiriirka kubbada cagta Yurub UEFA ayaa ganaax lacageed dul dhigay kooxaha Liverpool iyo Seville kaddib dhacdooyinkii ay taageerayaashooda ka sameeyeen ciyaartii Finalka Europe league ee 18-kii May.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa lagu ganaaxay lacago dhan 16,000 oo Euro kaddib taageerayaasheeda oo luxayay boorar sharci daro ah iyo walxaha holca oo ay tuurayen.

Sevilla oo 3-1 ku qaaday koobkaas ka dhacay St. Jakob Park si ay markii saddexaad oo xiriir ah u sheegato European Cup ayaa lagu ganaaxay iyana 17,000 oo euro kaddib rabshado ay kiciyeen taageerayaashooda iyo walxaha holca ay shidayeen.

Booliska ayaa lagu qabsay inuu u baahdo dad kale oo badan si uu u kala celiyo taageerayaasha dagaalayay ee labada dhinac.

Sevilla ayaa gadaal ka soo noolaatay ciyaartii Final kaddib goolkii Daniel Sturridge , ka hor goolkii ku taabashada ahaa uu Kevin Gameiro u dhaliyay kooxda reer Spain iyo labo gool uu dhaliyay Coke ay ku xaqiiqsadeen Europe League markoodii saddexaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close