Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri oo afka qabsaday mar wax laga waydiiyay mustaqbalka Paul Pogba

pogba

(America) 25 Luulyo 2016. Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa mar wax laga waydiiyay mustaqbalka Paul Pogba diiday inuu ka hadlo isla markaana ka gaabsaday iyadoo ay jirto inay wiilka reer France daba eryanayaan kooxaha waa wayn ee Real Madrid iyo Man United.

Hadal heynta bar-dhammaadka xiga ee Pogba ayaa hawada qabsaday ka hor xilli ciyaareedka cusub, laacibka qadka dhexe ayaa la filayaa inuu dalbado lacago rikoodh ka noqon doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda haddii uu dib ugu laabanayo gegada Old Trafford amaba haddii uu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu.

“Tani waa arrin aan dooneyn inaan ka hadlo,” Allegri ayaa sidaa ku jawaabay mar la waydiiyay mustaqbalka jahwareersan ee Pogba.

Saxiixyada cusub ee Juventus Pjanic, Pjaca iyo Benatia ayaa lagu soo bilaabi doonaa kulanka ay Melbourne kula yeelan doonaan kooxda Tottenham talaadada ciyaar qeyb ka ah International Champions Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close