Rooney: Waxaan doonayaa in aan noqdo tababare

wayne-rooney-england_19xa2hcq5pz2n1v6wirrv9at2o

(London) 25 Luulyo 2016. Kabtanka Mancehster United Weyne Rooney waxa uu ka shaqenayaa sidii uu maamulka tababarenimo u gali lahaa marka uu kabahiisa laalo, waxa uu hada ku jiraa waxbarasho.

30 jirka waxa uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay Everton 2002 hada wax ka badan 600 oo jeer ayuu ciyaaraha kooxaha dheelay.

Rooney  waxa uu sheegay in sii dheeli doono ilaa iyo inta uu ka go’aansanayo ka fariisiga kubadda cagta balse waxa uu taageereyaasha u xaqiijiyey in ku biiridda maamulka aysan meel fog ka jirin.

“Waxaan jeclahay in aan tababare noqdo marka aan dhameeyo dheesha,” ayuu Rooney uga hadlay su’aalo iyo jawaabo isaga iyo Ashley Young lagu weydiinayey.

“Football waa waxa aan nolosheyda oo dhan sameeyey. Hada waxaan ku jiraa wadadii aan ku qaadan lahaa shahaadooyinka tababarenimadeyda marka aan dhameeyo ciyaarta kuwaas oo buuxa ayaan heli doonaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close