Nolito oo ka hadlay sababtii Man City uu uga doorbiday Barcelona

(Manchester) 25 Luulyo 2016 Weerar yahanka reer Spain ee Nolito ayaa ka hadlay sababtii uu uga doorbiday Man City kooxdiisii hore ee Barcelona kadib markii uu caga dhigtay xaggaagan garoonka Etihad.

Nolito ayaa sheegay in Guardiola uu lahaa go’aankii uu ku yimid ingiriiska isla markaana uu isaga diiday kooxdiisii hore ee Barcelona.

29 jirka reer Spain ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Celta Vigo isaga oo 14 milyan oo Ginni ugu soo biiray Man City si uu uga hoos ciyaaro tababare Pep Guardiola.

“Xaqiiqdii waan ku raaxaystay waqtigii aan kala soo shaqeeyay Barcelona (2010/11) inkasta oo uu ahaa waqti aad u yar, laakiin isaga ayaa sabab u ahaa inaan imaado halkaan” ayuu u sheegay The Guardian.

“Sidoo kale Man City sabab ayeey u ahayd waayo waxay haystaan koox cajiib ah, waa mashruuc aad u fiican, Semi Final-ka Champions League ayeey gaareen xiliciyaareedkii hore”.

“Xaqiiqda ayaa ah inaan ka caawin doono kooxdaan xaqiijinta waxyaabo cajiib ah”.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close