Napoli oo dalab cusub ka gudbisay Mauro Icardi

Icardi

(Napoli) 25 Luulyo 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Napoli ay dalab cusub ka gudbisay weerar yahanka Inter Milan ee Mauro Icardi.

Napoli ayaa u aragta weerar yahanka reer Argentina ee Mauro Icardi badalka ku haboon Gonzalo Higuain kaas oo lacag rikoor ah ugu biiraya Juventus maalmaha nagu soo aadan.

TuttoMercatoWeb ayaa baahisay in madaxwaynaha iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Napoli ay kulan cusub la qaateen wakiilada 23 jirka reer Argentina ee Mauro Icardi.

Napoli ayaa hordhigtay dhigeeda Inter Milan aduun dhan 45 milyan oo euro oo lagu daray lacago kale si ay u hesho Mauro Icardi.

kooxda ka dhisan koofurta talyaaniga ayaa u soo bandhigtay Mauro Icardi mushaar dhan 6.5 milyan oo euro sanadkii oo lagu daray 3 milyan oo euro oo ah lacago dheeraad ah, isaga oo 50% leh xuquuqda iibka sawiradiisa.

Shabakada Mediaset ayaa dhankeeda sheegaysa in Mauro Icardi uu aqbalay ku biirida Napoli kadib lacagahaan faraha badan ee ay soo hordhigtay si uu u buuxiyo booskii Higuain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close