Mikel Arteta oo tallaabadan uga carreysiin kara jamaahiirta Arsenal

arteta-cropped_sa62qonqaq3d15dezen0pmrcp

(Manchester) 25 Luulyo 2016. Mikel Arteta waxa uu ka carreysiin  karaa taageereyaasha Arsenal kaddib markiii uu boggiisa Instagram-ka ka tir tiray dhamaan sawiraddii uu galay waqtigiisii Emirates.

Laacibka u dhashay Spain waxa uu ka tagay Arsenal xagaagan kaddib markii uu ka dhacay qandaraaskii uu kula jiray si uu kaalin tababare uga ciyaaro Manchester City oo uu ka hoos shaqeyn doono Pep Guardiola.

3500542.jpg

Arteta waxa uu hada bilabaa ku darsashada Instagram-yo kale sida asxaabta cusub ee Manchester City laakiin waxaa nadiifintii ka bad baaday Santi Cazorla, Hector Bellerin iyo Petr Cech.

Arteta waxa uu kulamo dhawr ah kabtannimo ku hogaamiyey Arenal oo ay ka mid tahay Fiinaalihii FA Cup-ka 2014 laakiin waxa uu gabi ahaanba u saftay 150 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close