Maxaa ka jira in Per Mertesacker uu garoomada ka maqnaan doono 5-bil?

(London) 25 Luulyo 2016 Arsenal ayaa wajahaysa dhibaato cusub kadib markii la shaaciyay inuu dhaawac halis ah soo gaaray daafaca reer Germal ee Per Mertesacker.

Laacib kaan ayaa laga reebay ciyaartoydii maanta u safray maraykanka kuwaas oo la ciyaari doona xiddigaha horyaalka maraykanka kulan saaxiibtinimo.

Kike Marin oo ah wariye intabadan lagu kalsoonyahay ayaa shaaciyay in Per Mertesacker uu la dhibtoonayo dhaawac dhanka jilibka ah kaas oo uu garoomada uga maqnaan doono mudo dhan 5-bilood.

Tababare Arsene Wenger ayaa haatan ku qasban inuu la soo wareego daafaca cusub kaas oo buuxin kara booska 31 jirka reer Germal ee Per Mertesacker.

Arsenal wali kama hadlin dhaawaca Per Mertesacker, waxayna xaqiijiyeen oo kaliya inuu dhaawac uga haray ciyaartoydii u safray maanta dalka maraykanka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close