Lambarka uu Kante u xiran doono Chelsea oo shaaca laga qaaday

Kante

(London) 25 Luulyo 2016. Chelsea ayaa shaacisay Lambarka uu u xiran doono saxiixooda cusub ee N’Golo Kante kaa oo ay dhawaan kala soo wareegeen kooxda xafidaneysa Premier Leagu ee Leicester City.

Kubbad bur-buriyaha reer France ayaa Blues u xiran doona No.7, waxaana Lambarkaasi baneeyay laacibkii reer Brazil Ramires ee bishii Janaayo u dhaqaaqay Jiangsu Suning ee dalka Shiinaha.

Adrian Mutu, Andriy Schevchenko iyo xiddiga amaahda ku maqan ee Maniche ayaa Lambarkaan u soo xirtay waqtigoodii Stamford Bridge.

Tababaraha xulka Faransiiska oo sidoo kale qadka dhexe ee daafaca uga soo ciyaaray Chelsea sanad uu la soo joogay ayaa isna soo xirtay No.7.

Kante kaa oo ahaa saxiixii labaad ee Conte xagaagan kaddib markii uu 30-milyan oo euro ugu soo dhaqaaqay horyaaladda Premier League ee Leicester City ayaa la midoobay shaxda Chelsea ee kulmada saaxiibtinimo ku yeelaneysa Mareykanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close