Franck Ribery oo sheegay in Ancelotti uu ka helay kalsooni kabadan tii Guardiola

(Munich) 25 Luulyo 2016 Laacibka reer France ee kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya waqtigii Guardiola iyo waqtiga haatan ee tababare Carlo Ancelotti.

Franck Ribery ayaa sheegay in haatan uu haysto kalsooni kabadan tii tababare Guardiola, wuxuuna intaa ku daray in kalsoonida tababare Ancelotti ay ka caawin doonto inuu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican xiliciyaareedka cusub.

33 jirka reer France oo la hadlay Kicker ayaa yiri:

“Waxaan dareemayaa xoriyad waxaanan haystaa dhiiro galin buuxda, Carlo Ancelotti hadiyad ayuu u yahay kooxdaan, tan iyo markii uu yimid Ancelotti waxaan helay kalsooni badan”.

“Waa tababare wayn, waxaan u baahanay shaqsiyaadka isaga oo kale ah sida Jupp Heynckes iyo Ottmar Hitzfeld, nafsad ahaan ayaan ugu baahanahay kalsoonidaas, si aan u soo muujiyo wax qabadkayga”.

“Ancelotti dartiis waxaan xaqiijin karnaa waxyaabo badan oo cajiib ah, xaqiiqdii waxaan diyaar u ahay xiliciyaareedka cusub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close