Lyon oo albaabka ka xiratay Arsenal: Lacazette kamatagayo kooxda”

Alexandre Lacazette

(London) 24 Luulyo 2016 Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Lyon Bruno Genesio ayaa sheegay in kooxdiisu aysan u ogolaan doonin Arsenal saxiixa weerar yahankiisa ee Alexandre Lacazette.

Laacib kaan ayaa lala xiriiriyay Arsenal oo ku doonaysa aduun dhan 40 milyan oo Ginni si ay ugu xaliso dhibaatada dhanka weerarka ee haysata kooxda.

Kadib Kulankii saaxiibtinimo ee Lyon ay la ciyaartay Sporting Lisbon ayuu yiri Genesio:

“Isbuucii hore Alexandre Lacazette wuxuu tababarka ka sameeyay wax yaabo layaab leh, wuxuu i siiyay jawaabtii ugu fiicnayd oo ah inuu gool dhaliyay”.

“Si walba oo ay ahaato, wuxuu sii joogi doonaa Lyon” ayuu sii raaciyay agaasimaha ciyaaraha ee Lyon Bruno Genesio.

Hadalkaan ayaa dhabar jab ku ah isku daygii tababare Arsene Wenger ee saxiixa Alexandre Lacazette, maadama uu doonayo inuu isbadal ku sameeyo weerarkiisa xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close