Lucas Leiva oo seegi doona kulanka furitaanka horyaalka ingiriiska ee Arsenal

(Liverpool) 24 Luulyo 2016 Tababare Jurgen Klopp ayaa wajahaya dhibaato cusub oo qadka dhexe ah kadib markii la xaqiijiyay in Lucas Leiva uu seegi doono kulanka furitaanka horyaalka ingiriiska ee xiliciyaareedka cusub.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhaawacmay kulan kooxdiisu ay 2-0 uga adkaatay kooxda Huddersfield Town, waxaaa la xaqiijiyay inuu maqnaan doono mudo bil ah sida laga soo xigtay LiverpoolEcho.

Lucas Leiva ayaa seegi doona kulamada Chelsea, AC.Milan, AS Roma, Barcelona iyo Mainz oo ah kulamada isdiyaarinta ee xiliciyaareedka cusub.

Sidoo kale 29 jirka reer Brazil ayaa seegi doona kulanka furitaanka horyaalka ingiriiska ee kooxdiisu ay u safrayso 14-ka August garoonka Arsenal ee Emirates.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Lucas Leiva uu seegi karo kulamada Burnley iyo Tottenham oo Liverpool ay la kala ciyaari doonto 20-ka iyo 27-ka August.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close