Lionel Messi oo durba soo laabtay, laguna daray liiska xiddigaha Barcelona ee u safraya Dalka Ingiriiska

Messi

(Barcelona) 24 Luuliyo 2016 – Maareeyaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Luis Enrique ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigihiisa ee uu ula safri doono Dalka Ingiriiska, waxaana ka soo muuqday Lionel Messi oo durba kooxda dib ugu soo laabtay.

Barcelona ayaa kulankeeda ugu horreeya waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Celtic, kulan ka dhici doona Dublin, waxaana marka ay gaaraan Ingiriiska ay tababar ku qaadan doonaan xarunta tababarka xulka qaranka Ingiriiska ee St. George’s Park.

Lionel Messi oo haatan kooxda liiskeeda ku jira ayaa horay loo shaaciyey in todobaad fasax dheeri ah la siin doono, laakiin haatan dib ayuu ugu soo laabtay kooxda, waxaana sidoo kale fasaxii uu ku maqnaa ka soo laabtay Arda Turan.

Macallin Luis Enrique ayaa kooxdiisa England u safri doonta ku soo daray xiddigaha Barca B ee kala ah José Suárez, Josep Martínez, Marlon, Martínez, Borja López, Carbonell, Gumbau, Aleñá, Nili, Alfaro iyo Cámara Mujica.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha uu magacaabay macallin Luis Enrique:-

Jordi Masip, Jose Suarez, Josep Martinez (Juvenile A), Adriano, Aleix Vidal, Jeremy Mathieu, Martin Montoya, Arda Turan, Luis Suarez, Leo Messi, Munir, Sergi Roberto, Denis Suarez, Cristian Tello, Sergi Samper, Marlon Santos, Jose Antonio Martinez, Borja Lopez, Alex Carbonell, Gerard Gumbau, Carles Aleña, Nili Perdomo, Jesus Alfaro, Juan Camara, Rafa Mujica.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close