KHABAR DARAY AH: Gonzalo Higuain oo durba guri ka ijaartey Torino + Sawirrada

(Torino) 24 Luulyo 2016 – Weli heshiisku rasmi ma aha oo farsamo ahaan laacibka laguma tilmaami karo mid Juventus ka mid ah, balse waxay u muuqataa sidaas.

Wuxuu Gonzalo Higuain durba guri ka helay magaalada Torino, iyadoo uu Pipita ku raaxaysan doono fillo wayn oo heer sare ah taasoo ku fadhida 700 mitir oo isku wareeg ah.

Waxay ku taalla Zona Crocetta oo dhacda bartamaha Torino, wuxuuna gurigani leeyahay saqaf farshaxan leh, berked gudeed nooca dabaasha ah, 6 qol oo jiif ah, jiim lagu jimicsado, meelaha la isku uumiyo (sauna) iyo turkish bath oo ah meelaha la iskugu daliigo.

Wuxuu bishii ku kacayaa 30 kun oo euro.

b1 b3 b4 b2

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close