Daaficii Barcelona ee Adriano oo gaaray Turkiga si uu ugu biiro Besiktas (SAWIRRO)

(Istanbul) 24 Luulyo 2016 Daafaca reer Brazil ee kooxda Barcelona Adriano ayaa gaaray goordhaw caasimada Turkiga ee Istanbul si uu ugu biiro Besiktas.

Taageerayaal badan ayaa ku soo dhaweeyay laacibka reer Brazil gudaha garoonka diyaaradaha ee Ataturk, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu tijaabada caafimaadka u maro kooxdiisa cusub ee Besiktas.

31 jirkaan ayaa la filayaa inuu qalinka ugu duugo kooxda Besiktas heshiis 3 sano ah, kooxaha Barcelona iyo Besiktas ayaana goor hore ka heshiiyay saxiixiisa.

Adriano ayaa kursiga keydka ku qaatay sanadihii u danbeeyay ee uu joogay garoonka Camp Nou, waxaana lahakiyay heshiis uu ugu biiri lahaa Roma xaggaagii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close