Claudio Ranieri oo ku kalsoon in Riyad Mahrez uusan ku biiri doonin Arsenal

(Leicester) 24 Luulyo 2016 Tababaraha kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa kalsooni ka muujiyay sii joogida laacibkiisa reer Algeria ee Riyad Mahrez kaas oo lala xiriiriyay Arsenal.

Claudio Ranieri ayaa xaqiijiyay in Mahrez uu qayb kayahay qorshaha oo ku difaacanayo xiliciyaareedka cusub horyaalka ingiriiska oo ay ku guulaysteen xiliciyaareedkii hore.

Kadib guushii rigoorooyinka ahayd ee kooxdiisu ay ka gaartay Celtic ayaa la waydiiyay Claudio Ranieri waxa ka jira in Mahrez uu ku biirayo Arsenal, wuxuuna ku jawaabay:

“Adinka (Saxaafada) qora oo qora oo qora waxa aad rabtaan laakiin Mahrez anaga ayuu nala sii joogi doonaa, ma aragteen maanta sidii uu u faraxsanaa?”.

“Waan ku kalsoonahay dabcan inuu nala sii joogayo, sifiican ayaan u ognahay inay jiraan kooxo badan oo ay waajib ku tahay inay ku guulaystaan horyaalka laakiin waan difaacan doonaa”.

Claudio Ranieri ayaa la waydiiyay sababtii uu ciyaarta uga saaray Mahrez wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaan u badalay daqiiqadihii ugu danbeeyay, waxaan is iri shaqadiisii waa uu qabsaday, waxaa haboon in laga fogaado inuu dhaawacmo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close