AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga

jariirad

(Europe) 24 Luulyo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Halka hoose ka aqri:

Arsenal ayaa qorsheynaysa inay 75-milyan oo bound ku soo xero galiso weeraryahanka Leicester City Riyad Mahrez 25-jir, iyo weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette, 25-jir. (Sunday Mirror).

Romelu Lukaku 23-jir ayaa isha ku haya inuu dib ugu soo laabto Chelsea si uu u dhammeystiro howlihii qabayada ka ahaa waayihiisii Stamford Bridge. (Sun on Sunday).

Manchester United iyo Manchester City ayaa labaduba xiiseynaya weeraryahanka da’da yar ee reer Brazil Gabriel Jesus, 19-jir. (Sunday Mirror).

Kabtankii hore ee Arsenal Tony Adams ayaa iska diiiday fursad uu tababare ugu noqon lahaa 18-jirada Arsenal kaddib markii uu xilkaasi ka tagay Thierry Henry kaa oo badelkeeda doortay shaqo uu ka helay koox Shiinees ah Chongqing Lifan. (Sunday Telegraph).

Bastian Schweinsteiger, 31-jir ayaa noqon kara mid ka mid ah dhowr ciyaartoy oo ka tageysa Manchester United, Juan Mata, 28-jir, Memphis Depay, 22-jir ayaa sidoo kale halis ku jira. (Mail on Sunday).

jariiradd

Xiddiga garabka kaga ciyaara Marseille Georges-Kevin N’Koudou, 21-jir ayaa ku dhow inuu dhammeystiro heshiiska uu ugu biirayo Tottenham kaddib markii ay kooxda la wareegtay weeraryahanka reer Holland Vincent Janssen, 22-jir. (Independent).

Tababaraha cusub ee Sunderland David Moyes ayaa doonaya inuu 6.5-milyan oo bound kula soo saxiixdo weeraryahanka Man United Will Keane, 23-jir. (Sun on Sunday).

Swansea City ayaa diyaarineysa dalab ay dib ugula soo saxiixaneyso Man City weeraryahankeedii hore ee Wilfried Bony, 27-jir, Everton ayaa sidoo kale xiiseynaysa weeraryahanka reer Ivory Coast. (Sunday Express).

Rugcadaagii hore ee xulka England iyo kooxda Man United Gary Neville, 41-jir ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto kubbada cagta si uu tababare ku xigeen ugu noqdo David Moyes oo dhawaan loo dhiibay Sunderland. (Sunday Express).

Xiddiga qadka dhexe ee Swansea City Joe Allen ayaa lagu wadaa inuu wada hadalo la yeesho tababaraha Stoke City Mark Hughes maanta iyadoo uu ku sii dhawaanayo laacibka inuu 13-milyan uga soo tago Liverpool. (Sunday Telegraph).

Liverpool ayaa soo afjartay dalabka ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga qadka dhexe ee Udinese Piotr Zielinski, 22-jir kaddib markii ay labada koox isku af garan waayeen lacagaha la dul dhigay ee 10-ka milyan oo bound. (Gazetta dello Sport).

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close