Xidigga Weyn ee Kubadda Koleyga Mareykanka Dwyane Wade oo Shiinaha ku baranaya Shaolin Kungfu + Video

China

(Zhengzhou) 23 Luuliyo 2016 – Laacibka ciyaarta kubadda koleyga Mareykanka ee Dwyane Wade ayaa booqasho ku jooga Waddanka Shiinaha halkaas oo uu ku qaadanayo casharro la xiriira ciyaarta Shaolin Kungfu.

Wade ayaa magaallada Zhengzhou ee bartamaha Shiinaha ku bartay Shoalin Kungfu qaybteeda la magac baxday ‘Eagle Fist’ ama Qabashada Gorgorka.

34 jirkani ayaa sidoo kale booqasho ku tegay magaalooyin kale oo waa-weyn oo Waaweyn oo Shiinaha ka tirsan sida Shanghai, Shijianzhuang, Hebei iyo Caasimadda Beijing.

Wade ayaa oo 13 xilli ciyaareed u ciyaarayay kooxda 3 jeer NBA Champions noqotay ee Miami, balse xilli ciyaareedka soo socda waxa uu u dheeli doonaa Chichago.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close