Shan waxyaabood oo laga bartay guul daraddii Manchester United ee Borussia Dortmund

3681134200000578-3703555-image-m-26_1469202615174

(London) 23 Luulyo 2016. Diyaar garawgii Manchester United (Pre-Season) waxa uu ku bilowday qaabkii ugu xumaa kaddib markii ay Borussia Dortmund uga adkaatay 4-1.

Goolal ay kala dhaliyeen Pierre-Emerick Aubameyang, Ousmane Dembele and a Gonzalo Castro (2) ayaa guusha u sahlay kooxda Germany halka  United oo midka calanka u saxiixay Henrikh Mkhitaryan.

Hadaba waxaan eegi doonaa 5 waxyaabood oo laga bartay guul daraddii kowaad ee Jose Mourinho.

312D309800000578-0-image-a-2_1469201429729

Paul Pogba

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho waxa uu sheegay in uu sameeyey 75% saxiixyada bartilmaameedyadiisa, Pogba ayaa dhiman.

Waxaa cadeyd in Ander Herrera iyo Memphis Depay aysan ahayn kuwo ku filan curinta duulaanka United shalay waxa ay la jaan qaadi waayey xawaarihii Dortmund.

3681861900000578-0-image-a-5_1469201640563

Luke Shaw wuu miraray laakiin waxaa jira sababo ay jamaahiirta United u farxaan

Wey muuqatay in Luke Shaw uusan joogin heerkii uu marayey kahor dhaawicii balse waxa farxad ugu filan taageereyaasha United daawashada horumarada uu sameenayo.

368188DF00000578-0-image-a-6_1469201656093

Henrikh Mkhitaryan waxa uu leeyahay dhaqan gool dhalin

Tan iyo markii uu Paul Scholes ka fariistay ciyaaraha Red Devils ma aysan arag goolal ka yimaada dhexda, hada, Henrikh Mkhitaryan oo ay Dortmund xagaagan ka soo iibsadeen waxaa la arkaa in uu arinkaas xalin karo.

 3681FCEC00000578-3703555-image-m-15_1469202213604 3681233800000578-3703555-image-a-16_1469202219048

Waxaa muuqda dal doloolo daafaca ah

Jose Mourinho waxa uu wal wal ka qabaa daafaca gaar ahaan Valencia oo ay wareeriyeen Dortmund halka uu gool ku laad keenay sidoo kale waxaa qodob madax xanuuna ku noqonaya Phil Jones iyo Rojo oo mid qeyb la dheelay Eric Baily.

3681E9DC00000578-0-image-a-7_1469201704008

Memphis Depay waxaa ka go’an in uu guuleysto

Walow laga ciyaarsiiyey boos aan kiisa ahayn (Weerarka dhexe) hadana waxa uu mar walba daba marayey daafacyada, waxaa lagu badalay Marcus Rashford ugu dambeyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close