Real Madrid oo iska diiday dalab qaali ah oo lagu doonayay James Rodriguez

James 1

(Madrid) 23 Luulyo 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa iska diiday dalab qaali ah oo lagu doonayay laacibkooda reer Colombia ee James Rodriguez.

AS ayaa baahisay in Real Madrid ay dib u celisay heshiis ku kacaya 85 milyan oo euro oo lagu soo dalbaday 25 jirka reer Colombia ee James Rodriguez.

Laacib kaan ayaa diirada u saaran kooxaha Man United, Man City iyo PSG laakiin tababare Zidane ayaan diyaar u ahayn in James Rodriguez uu katago kooxda xaggaagan.

James

James Rodriguez qudhiisa ayaa xaqiijiyay xili hore inuu iska diiday dalabkaas, wuxuuna intaa ku daray inuu doonayo ka sii ciyaarida garoonka Bernabeu xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close