QISH CUSUB: Maalinta la rasmiyeeynayo heshiiska Higuain oo la kashifay! (Waa goorma?)

(Madrid) 24 Luulyo 2016 – Juventus ayaa haatan hal gacan ku haysa Higuain, kaddib markii uu shalay caafimaadka si qarsoodi ah ugu maray kooxdaasi, taasoo ka dhacday Madrid.

Laacibkan reer Argentina ayaa Juventus kula heshiiyey qandaraas 4 sanadood ah oo uu midkiiba ku kasbanayo 7.5 milyan oo euro, halka ay Juve sidoo kale bixinayso lacagta lagu fasaqayo qandaraaskiisa oo dhan 94.7 milyan oo euro taasoo ay Napoli ku wargeliyeen.

Higuain, ayaa ka caga jiidayey inuu kooxdiisa kula biiro xerada tababarka Dimaro oo ay iskugu imanayaan 25 Luulyo, iyadoo haatan uu Beppe Marotta wacay De Laurentiis si uu ugu wargeliyo inuusoo soo soconin Pipita.

Valter De Maggio, maareeyaha idaacadda Radio Kiss Kiss, raadiyaha rasmiga ah ee Napoli ayaa soo Tweet-gareeyay wada xaajoodka Higuain-Juve, isagoo sheegay in heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqi doono Isniinta.

Kooxda Juventus ayaa haatan looga fadhiyaa inay la xaajoodaan Napoli oo ka sugeysa lacagtan ku dhow 100 milyan oo euro si loo tirtiro heshiiska laacibka, iyadoo Maradona uu Higuain ku tilmaamay nin Napoli khiyaamay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close