Napoli oo durba calaamadaysatay Carlos Tevez si uu u buuxiyo booskii Higuain

(Napoli) 23 Luulyo 2016 Kooxda Napoli ayaa calaamadaysatay weerar yahankii hore ee Juventus Carlos Tevez kadib markii la ogaaday in Higuain uu katagay dhankooda.

Ilowareedyo dhawr ah ayaa xaqiijiyay in Juventus ay miiska saartay qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Higuain kaas oo ah 94.7 milyan oo euro, laacibka ayaana la sheegay inuu tijaabada caafimaadka ku maray Madrid.

Napoli ayaa laga soo diiday dalabyo ay ku doonayeen weerar yahanada Inter Milan iyo AC.Milan ee Icardi iyo Carlos Bacca.

Sida laga soo xigtay Sporitalia kooxda Napoli ayaa ku fikiraysa u dhaqaaqida saxiixa weerar yahankii hore ee Juventus Carlos Tevez kaas oo ay isku dhacsanyihiin kooxdiisa haatan ee Boca Juniors.

Napoli ayaa loolan ku aadan saxiixa Carlos Tevez kala kulmaysa kooxda Inter Milan oo aad u doonaysa in weerar yahanka reer Argentina ay dib ugu soo celiso talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close