Mourinho oo dhaleeceeyay Ronaldo: Ma jecla gudashada waajibaadka difaaca”

مورينيو مُنتقدًا رونالدو: لا يحب القيام بالعمل الدفاعي!

(Madrid) 23 Luulyo 2016 Tababarihii hore ee Real Madrid Jose Mourinho ayaa dhaleeceeyay laacibka ay isku dalka yihiin ee Cristiano Ronaldo.

Mourinho oo ka hadlay sababtii tababaraha xulka Portugal uu Ronaldo u ciyaarsiiyay weerarka ayaa sheegay in xiddiga reer Portugal uusan ka helin gudashada waajibaadka difaaca marka la weerarayo kooxdiisa.

“Fernando Santos (Tababaraha xulka Portugal)  wuxuu go’aansaday inuu ku ciyaaro laba Line oo ka kooban 4 laacib, wuxuuna Ronaldo ka ciyaarsiiyay boos ka ag dhaw weerarka si uu uga fogeeyo waajibaadka difaaca oo intabadan uusan ka helin” ayuu yiri Mourinho.

Mourinho ayaa xili hore ka saaray Ronaldo 3-da laacib ee ugu fiican taariikhda kubadda cagta isaga oo magacaabay Maradona, Pele iyo Messi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close