Faah-faahinta kulankii ay Puntland ugu soo baxday Finalka tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya +SAWIRRO

(Muqdisho) 23 Luulyo 2016 Ciyaartoyda xulka Puntland ayaa soo tiigsaday Final-ka koobka maamul goboleedyada dalkeena soomaaliya ee ka socda garoonka koonis.

Ciyaar aad u xiiso badan ayaa galabta garoonka Banaadir, waxaa ku wada yeeshay Puntland iyo Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan oo hal maamul matalayo,waxaana qeybtii hore lagu kala nastay bar baro 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa labada xul waxa ay iska qasaariyeen fursado wanaagsan oo goolal loo filan karay, balse daqiiqadihii gabo-gabada ee ciyaarta ayaa wiilasha Puntland, waxa ay heleyn goolkii guusha waxaana shabaqa soo taabtay xiidga Yacquub Cismaan kaasoo ka ciyaara weerara.

Xiddigaha matalayay Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa isku dayay in ay la yimaadaan goolka bar baraha balse ma aysan noqon oo ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay ku badiyeen Puntland.

Garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay ayaa waxa uu kaarka cas siiyay xiddiga daafaca bidix ee Yaasiin Maxamed Yaasiin oo ka tirsan maamu goboleedka Puntland.

Sikastaba Puntland  ayaa Finalka tartankaan waxa ay la ciyaari doontaa  Jubbaland , waxaana tartankaan lasoo gabo gabeyn doonaa maalinta Isniinta.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close