DAAWO: Laacibka diirada u saaran Arsenal ee Riyad Mahrez oo gool cajiib ah dhaliyay

(Leicester) 23 Luulyo 2016 Xiddiga ugu fiican Premier League ee Riyad Mahrez ayaa gool cajiib ah u dhaliyay kooxdiisa kulan haatan socda oo Leicester City ay laciyaarayso Celtic.

Riyad Mahrez ayaa gool cajiib ah ku daah furay ciyaarta kadib markii uu garab ka soo galay isaga oo jeed jeediyay daafacyada Celtic kadibna kubadda ku hubsaday shabaqa.

Mustaqbalka Xiddiga reer Algeria ee Leicester City ayuu mugdi ku jiraa kadib markii lala xiriiriyay Arsenal oo diyaar la ah aduun dhan 41 milyan oo Ginni si ay u hesho saxiixiisa.

Ciyaarta ayaa haatan maraysa 1-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close