Waa kuma saxiixa cusub ee Arsenal Rob Holding halkuuse kaga haboon yahay shaxda Arsenal?

saxiix1

(London) 22 Luulyo 2016. Arsenal ayaa dhammeystirtay saxiixa daafac yaraha reer England Rob Holding oo ay kula wareegtay 2.5-milyan oo bound.

Haddaba waa kuma saxiixa cusub ee Arsenal?.

Magaciisa waa Robert Samuel “Rob” Holding, wuxuu dhashay 20-kii September 1995-tii wuxuuna ku dhashay Bolton ee dalka Ingiriiska.

Dhirirkiisu waa 1.81m (5’94”), kaliya hal jaale ayaa loo taagay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay sidoo kale hal gool ayuu dhaliyay.

Lugta midig ayuu ku ciyaaraa, garabka midig iyo midix ee daafaca wuu ka ciyaari karaa iyo waliba daafaca dambe.

saxiix

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxaa loo magacaabay laacibka ugu fiican ee kooxda Bolton iyadoo uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay uun wax ka yar sanad.

Wuxuu kulankiisii ugu horreeyay u saftay Bolton bishii August ee la soo dhaafay ciyaar qeyb ka ahayd League Cup oo ay la yeesheen Burton Albion wuxuuna u saftay 29-kulan.

Xulka England ee 21-jirada ayaa looga yeeray si uu qeyb uga noqdo tartankii Toulon wuxuuna saftay kulankiisii ugu horreeyay ee xulka lagu naaneyso saddexda libaax ciyaar ay kala hor tageen xulka Guinea, wuxuuna ka soo garab ciyaaray daafaca Arsenal ee Calum Chambers.

Halkee ayuu uga haboon yahay SHAXDA Arsenal?.

http://images.performgroup.com/di/library/goal_uk/80/ca/

http://images.performgroup.com/di/library/goal_uk/93/71/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close