Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo ka hadlay waxa uu ka aaminsan yahay saxiixiisa cusub ee Georginio Wijnaldum

klop

(Liverpool) 22 Luulyo 2016. Liverpool ayaa adduun dhan 25-milyan oo bound kula soo wareegtay caawa xiddiga qadka dhexe ee Newcastle United Georginio Wijnaldum.

Laacibka reer Holland ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah, wuxuuna u xiran doonaa naadiga lagu naaneyso Reds No.5.

Tababare Klopp ayaa aad uga farxay inuu gacanta ku soo dhigo Wijnaldum wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya waxa uu ka aaminsan yahay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helnay isaga wuxuuna iminka nagula soo biiri karaa Mareykanka,” Klopp ayaa sidaa u sheegay bogga rasmiga ah ee Liverpool.

Wijnaldum

“Waxaan aaminsanahay inuu ciyaaryahan wayn inoo noqon doono innaga, wuxuu kol horeba muujiyay waqtiyo dhab ahaan fiican waayihiisa ciyaareed, laakiin tan ugu xiisaha badan uguna muhiimsan aniga iyo shaqaalaha waa inay weli jiraan wax badan oo dheeri ah oo ka imaanaya isaga.

“Wax badan ayuu kol horeba u ciyaaray dalkiisa, da’yar ayuu kabtan ugu noqday Holland wuxuuna ku lug lahaa xilli ciyaareed Premier League oo adag sidaa darteed khibradan waxay siineysaa isaga aasaas fiican tartanka halkan, taa uu ogyahay qofkasta inay wayn tahay.

“Wuxuu inooga ciyaari karaa boosas yar ciyaartoyda ka imaatana nidaamka Holland waxay badanaa leeyihiin fahan fiican iyo damacsanaan. Dhab ahaan waa muhiim midaa.

“Waan sugi la’ahay inaan ku arko isaga tababarka iyo inay taageerayaasha  arkaan isagoo ku ciyaaraya maaliyadda Liverpool.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close