SAWIRRO: Man City oo gaartay dalka Shiinaha…(Isniinta ayaa lagu wadaa inay wajahdo Man United)

(China) 22 Luulyo 2016. Pep Guardiola iyo kooxdiisa Man City ayaa si nabad ah ku gaaray magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Man City ayaa halkaa kula ciyaari doonta Insiinta kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Man United waxayna sidoo kale 28-ka bisha Shenzhen ku wajihi doontaa kooxda reer Germany Borussia Dortmund taa oo maanta afar gool ku xaaqday Man United kulan saaxibtinimo ay wada yeesheen.
Guardiola iyo Jose Mourinho ayaa markoodii ugu horreeyay is qaban doona tan iyo 2012 inkastoo ay jireen walaac laga qabo inuu kulankooda baaqdo haddii ay sii socdaan roobabka mahiigaanka ah ee halkaa ka da’aya.
SAWIRRO:
Gool FM.