RASMI: Liverpool oo dhamaystirtay saxiixa Georginio Wijnaldum (SAWIRRO)

(Liverpool) 22 Luulyo 2016 Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhamaystirtay saxiixa laacibkii qadka dhexe ee kooxda Newcastle United Georginio Wijnaldum.

Liverpool ayaa kula soo wareegtay 25 jirka reer Holland aduun dhan 25 milyan oo Ginni, wuxuuna qalinka ugu duugay kooxdiisa cusub heshiis 5 sano ah, isaga oo isbuucii qaadan doona mushaar dhan 75 kun oo Ginni

Georginio Wijnaldum ayaa u xiran doona kooxdiisa Liverpool lambarka “5”, wuxuuna yiri xili uu ka hadlayay ku biiridiisa Liverpool:

“Waan ku faanayaa u ciyaarida koox wayn sida Liverpool, waxaan u diyaar garoobayaa inaan ku ciyaaro Anfield oo aan goolal dhaliyo isla markaana aan idinka dhigo inaad igu faantaan”.

Dhanka kale tababare Klopp oo ka hadlay saxiixiisa cusub ee Georginio Wijnaldum ayaa yiri:

“Waxaan aaminsanahay inuu saxiix wayn noo noqon doono, ma sugikaro inta aan ka arkayo Georginio Wijnaldum oo ciyaartoyda inteeda kale tababar la qaadanaya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close