RASMI: Barcelona oo ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay xiddiga kooxaha badan bartilmaameedka u ahaa ee Andre Gomes

gomess

(Catalonia) 22 Luulyo 2016. Barcelona ayaa shaacisay inay heshiis la gaartay naadiga Valencia si ay ula soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Andre Gomes.

Gomes ayaa labo sano ku qaatay horyaalka La Liga kaddib markii uu ka yimid naadiga Benfica bishii July ee 2014.

22-jirka ayaa qeyk ahaa xulkii Portugal ee sida aan loo fileyn ku qaaday koobka Euro 2016 kaddib markii ay ciyaarta Final-ka ku garaaceen martigaliyayaasha tartanka ee Faransiiska.

Waxay wararku soo jeedinayaan inay Barcelona ka bixisay Gomes 40-milyan oo euro, kaa oo 30-kulan ka soo muuqday La Liga kal ciyaareedkii tagay isla markaana dhaliyay 3-gool.

Xiddiga 13-jeer u saftay xulkiisa Portugal ayaa sidoo kale bartilmaameed u ahaa kooxda ay xifaaltamaan Barca ee Real Madrid.

Waxaa lagu wadaa inuu noqdo saxiixii ugu dambeeyay suuqa xagaaga ee tababare Luis Enrique kaddib Samuel Umtiti, Lucas Digne iyo Denis Suarez.

Waa dhabar jab kale oo soo gaaray kooxda Real Madrid taa oo sidoo kale u muuqata inay waysay tartanka ay ugu jirtay Paul Pogba.

Xiddiga reer France ayaa taageero badan ku leh Santiago Bernabeu, laakiin waxay wararku soo jeedinayaan in Los Blancos aysan awoodin inay bixiso lacagaha rikoodhka ah ee lagu doonayo, Man United ayaana ah hogaamiyaha muuqda ilaa iminka saxiixa Pogba.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close