Faah-faahinta kulankii ay Jubaland ugu soo baxday Finalka tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya+SAWIRRO

(Muqdisho) 22 Luulyo 2016-Ciyaartoyda xulka Jubaland ayaa soo tiigsaday Final-ka koobka maamul goboleedyada dalkeena soomaaliya ee ka socda garoonka koonis.

Ciyaar la isku riiqmay ayaa labada xul waxa ay galabta ku yeesheen garoonka Koonis, waxaana waqtigii loogu tala galay ay kusoo dhamaatay 0-0.

Mahadaama aan laga gaarin in lagu daro waqti dheeri ah ayaa labada xul waxaa la dhex dhigay gool ku laadyo, waxaana 9 iyo 8 ku adkaaday maamul goboleedka Jubbaland.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo martay fursad wanaagsan oo ay ku adkaan kareyn markii xiddiga kabtanka u ah Jubbaland ee Axmed Cabdi Cumar uu qasaariyay riggooradii 7’aad ee ciyaarta, balse xiddiga Maxamed Muxudiin ayaa ka qasaariyay gobolka Banaadir riggooradii ay guusha ku qaadan lahaayeen.

Riggooradii ugu dambeysay gobolka Banaadir waxaa ka qasaariyay goolhaye Dheere C/qaadir Dheere, waxaana ay kusoo dhamaatay 9 iyo 8  oo ay ku badiyeen Jubbaland.

Sikastaba maamul goboleedka Jubbaland ayaa sugi doono midkood Putland ama Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ooh al maamul matalayo, kuwaasoo bari ku ballansan garoonka Koonis.

https://fbcdn-photos-c-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xaf1/v/t1.0-0/s480x480/

https://fbcdn-sphotos-c-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xft1/v/t1.0-9/

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close