Cristiano Ronaldo oo garoon dayuuradeed loogu magac daray!

(Funchal) 23 Luulyo 2016 – Madaxwaynaha jasiirad reer Portuguese Miquel Albuquerque, ayaa xaqiijiyey in jookarka Real Madrid lagu maamuusi doono guushii uu qarankiisa uga keenay Koobkii Qaramada Yurub ee Faransiiska lagu qabtay.

Gegada dayuuradaha ee magaalada uu kasoo jeedo Cristiano Ronaldo ee Funchal ayaa loogu magac dari doono arbaha Real Madrid.

31-jirkan ayaa u waayeelinayey xulka Portugal ee hantay Euro 2016 wuxuuna horraanba soo bandhigay  Hotel Pestana CR7 oo ku yaalla Funchal – caasimadda gasiiradda Madeira.

Balse madaxwaynaha Madeira, Miquel Albuquerque, ayaa xaqiijiyey in qannaaskii hore ee Manchester United lagu sharfi doono guushii Portugal ee Euro 2016 iyadoo gegada magaalada lagu magacaabi doono ‘Cristiano Ronaldo Airport ’ wuxuu haatan ka dambeeya.

Generated by  IJG JPEG Library
Generated by IJG JPEG Library

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close