Arsenal oo bar-baro ku bilaabatay kulamadeeda saaxiibtinimo ay isugu diyaarineyso xilli ciyaareedka cusub

arsenl

(Lens) 22 Luulyo 2016. Naadiga Arsenal ayaa kulankeedii ugu horreeyay ee saaxiibtinimo ay isugu diyaarineyso kal ciyaareedka cusub ee Premier League ku bilaabatay bar-baro 1-1 ay la gashay kooxda Lens.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso kooxda marti galiyayaasha ee Lens.

Daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta Mathias Autret ayaa goolka u dhaliyay kooxdiisa Lens shabaqa oo bannaan kubbad uu qaladkeedu lahaa daafaca Arsenal ee Chambers.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Arsenal ayaa isbadelo sameysay iyadoona fir fircooni la timid.

Daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta Arsenal ayaa waxaa gool u dhaliyay Theo Walcott kubbad uu ka dul bootiyay goolhayaha shabaqana dhex dhigay balse laga diiday iyadoo la tilmaamay inuu offside ku jiro.

Arsenal ma aysan isdhiibin oo dadaalkii ay ugu jirtay inay goolka isaga gudo waxay ku guuleysatay daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta kaddib markii uu shaqaba tagay Alex Oxlade-Chamberlain gool aad u cajiib ahaa oo kalsooni badan ku dheehnayd, wuxuu ka dul bootiyay kubbada goolhayaha kaddib caawimaad uu ka helay Serge Gnabry

SAWIRRO:

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/07/22/19/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close