TARTANKA GOBOLLADA: Gobolkee loogu codeeyay inuu koobka hanan karo? (Codeeynta akhristayaasha GoolFM.net)

(Muqdisho) 21 Luulyo 2016 – Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya tartanka maamul-goboleedyada kaasoo lagu ciyaarayo garoonka qadiimiga ah ee Konis ee degmada Cabdi Casiis.
Waxaa ciyaarahan oo haatan soo gaarey nus-dhamaadka iskugusoo haray kooxaha Banaadir, Jubbaland, Puntland iyo Hiiraan & Sh. Dhexe.
Haddaba, waxaan idiin haynaa codadkii ay akhristayaasheennu ka dhiibteen gobolkii koobkan hanan kara taasoo aan bilowgii tartanka sameeynay, waxaana boqolleeyda loo kala helay qaabkan:
Banaadir 53.86%
Jubbaland 5.75%
Koonfur-Galbeed 1.44%
Puntland 15.8%
Gal-Mudug 10.05%
Hiiraan & Sh. Dhexe 13.11%
Gool FM