RASMI: Julen Lopetegui oo loomagacaabay tababaraha cusub ee xulka Spain

(Madrid) 21 Luulyo 2016 Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa ku dhawaaqay tababarahooda cusub kadib markii uu xulka macsalaameeyay tababarihii u qaaday koobka aduunka ee Vicente del Bosque.

Xiriirka ayaa shaaciyay in 49 jirka reer Spain ee Julen Lopetegui uu yahay tababaraha cusub ee xulka qaranka Spain ka badalay tababarihii katagay ee del Bosque.

Julen Lopetegui ayaa horay u soo layliyay qaybaha kala duwan ee da’yarta qaranka Spain sida ciyaartoyda ka yar 19 jirada, 20 jirada iyo 21 jirada.

Julen Lopetegui

Lopetegui ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga cayriyay FC Porto bishii janaayo ee horaantii sanadkaan, kadib markii uu ku guul daraystay inuu wax guul ah gaarsiiyo kooxda 3 kulan oo xiriir ah.

Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa shaaciyay in tababare Julen Lopetegui loo soo bandhigi doono saxaafada goor dambe oo maanta ah waxaana lagu soo bandhigi doonaa magaalada Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close