Raphael Varane oo iska diiday ku biirida Man United

VARANE

(Madrid) 21 Luulyo 2016 Daafaca kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa iska diiday ku biirida kooxda Man United suuqa kala iibsiga ee xaggaagan kadib markii uu dalab ka helay tababarihiisii hore ee Jose Mourinho.

Marca ayaa baahisay in Raphael Varane uu iska diiday dalab ku kacaya 40 milyan oo euro oo uu ugu biiri lahaa kooxda uu hogaamiyo tababarihiisii hore ee Mourinho.

23 jirka reer France ayaa go’aansaday inuu indhaha ka laabto dhamaan dalabyada uga imaanaya gudaha ingiriiska kadib markii tababare Zidane uu ka dalbaday inuu iska sii joogo Real Madrid ilaa dhamaadka qandaraaskiisa.

Tababare Zidane ayaa la sheegay inuu kulan gooni ah la qaatay Raphael Varane, wuxuuna ka dhaadhiciyay inuu la sii joogo kooxda reer Spain ilaa dhamaadka qandaraaskiisa oo ku eg 2020.

Zidane ayaa u arka Raphael Varane laacib la tartami kara Sergio Ramos iyo Pepe kuwaas oo haatan ah hogaanka daafaca ee kooxda Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close